4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2018
Rasaas laga dhaxmaqlayo xeryaha lagu tababaro ciidamada militariga ee magaalada Kabul

 

Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Wararka ayaa sheegaya in aroortii Isniinta weerar lagu soo qaaday Jaamacadda Gaashaandhigga Qaran ee Sarreeye Gaas Fahim.

Weerrarkan ayaa imanaya maalmo kaddib markii magaaladaasi uu ka dhacay ismiidaamintii ugu dhimashada badneyd ee muddo bilo ah ka dhacda magaalada Kabul markaas oo gaari nooca gurmadka degdega ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dilay ugu yaraan 100 qof.

Ururka la baxay dowladda Islaamiga ah iyo Taalibaan ayaa dhawaantan waxa ay weerraro ka gaysteen dalkaasi.

Weerrarka Sabtidii loo adeegsaday gaariga nooca lagu fidiyo gurmadka degdega ah ayaa dhacay todobaad ka hor kaddib markii weerrar kale oo lagu qaaday hoteel ku yaal magaalada lagu dilay 22 qof oo u badan ajaanib.

Taalibaan ayaa sheegatay inay ka dambaysay labada weerarba.

BBC