4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2018
Xiisad wali ka jirta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool

 

Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in wali halkaa ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Ciidamada Soomaaliland ayaa wali gacanta ku haya maamulka deegaanka deegaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada, waxaana shalay halkaa ka dhacay dagaal dhaxmaray ciidamada labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada labada dhinac oo ku hubeysan boqolaal gadiidka dagaalka ah wali isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay, waxaana jirta cabsi laga qabo dagaal mar kale ka dhici kara deegaanka.

Mas’uuliyiinta labada maamul ayaa maalmihii ugu danbeeyayba hawada isku marinayay erayo u badnaa hajabaado dagaal, taasoo u muuqata mid uga sii dareysa xiisada halkaa ka taagan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]