4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2018
Dhamaan Kuraasta ka bannaan golaha shacabka oo doorashadooda la qabanayo

 

Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Guddiga madaxa–bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in ay qaban doonaan Doorashada dhamaanba Kuraasta kale ee ka dhiman Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa sheegay in saddex Kursi ay ka dhiman tahay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, waxayna Guddiga tilmaameen in Saddex kursi doorashooyinkooda ay ka kala dhici doonaan Magaalooyinka Cadaado, Kismaayo iyo Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim [Xaliimo Yareey] oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in cabashadii ka taagneyd qabsoomida doorashada Saddex kursi la xaliyay.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii magaalada Jowhar lagu soo gabagabeeyay doorashada mid ka mid ah kuraastii ka bannaaneyd baarlamaanka, waxaana ku guuleysay xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]