4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2018
Jen Subagle oo sheegay in dhawaan uu xilka wareejinayo

 

Isniin, Janaayo, 29, 2018 (HOL) – Taliyaha guud ee ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM General Cusmaan Nuur Subagle ayaa dhowaan lagu wadaa inuu wareejiyo xilka uu hada hayo, maadaama uu gaba gabo ku dhow yahay qorshihiisa xil heynta ee loogu tala galay.

Taliyaha ayaa sheegy in ay socoto qaban qaabada uu xilka ku wareejin lahaa dhowaana uu xilka ku wareejin doono Taliye cusub oo ka socda AMISOM gaar ahaan dalalka qeybta ka ah Midowga Afrika.

Gen Subagle ayaa intaa ku daray in uu aad uga shalaynayo isaga oo aanan Al-shabaab ka xureyn dalka inuu xilka wareejiyo, balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay shaqada sii wadi doonaan taliska cusub ee AMISOM.

Cismaan Nuur Subagle, ayaa xilkan si rasmi ah ugula wareegay Taliyihii hore ee AMISOM General Jonathan Rono oo u dhashay dalka Kenya 19-kii July 2016-kii, kadib markii ay dhamaatay xil heyntiisa.

Dowladda Itoobiya ayaa xilligaasi laga sugayay in ay soo magacowdo Taliye cusub oo xilka kala wareega Jonathan Rono, balse khilaaf ka dhashay arrintaasi ayaa sababtay in dowladda Jabuuti ay soo dirto Subagle oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]