Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka qeybgalay kulan looga hadlay Amniga
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) - Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali
Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga Qaranka oo lagu
gor-feynayay xaaladda amaan ee dalka, Xoojinta xiliga kala guurka iyo
Wadashaqeynta hay’addaha amniga iyo Beesha Caalamka.
Shirkan oo ka dhacay xarunta Xalane diiradda lagu saarayay qorshaha
diyaarinta ciidankii la wareegi lahaa amniga dalka , kuwaa oo badeli doona
ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika, dawladda
Soomaaliyeedna ka caawiyay sidii ay dib ugu soo ceshen lahayd amaankeeda, waxaana la isku af-gartay in howshan bilowga ah aysan noqon mid fadhiida.
Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Abuukar Islow Ducaale, oo
markii uu shirka dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankan uu
daba socdo shirki Afartii Bishii December ee sanadkii 2017 ka lagu qabtay
magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay amniga Qaranka.
Waxuu kaloo tilmaamay in kulanku uu kusoo dhamaaday jawi isfahan, iyadoo ay
beesha caalamka balan qaaday in ay bixin doonto dhaqalaha iyo qalabaynta
ciidanka military ee Soomaaliya kuwaas oo la waregaya guud ahaan amaanka
Soomaaliya.
Mudane Ducaale wuxuu kaloo sheegay in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay
in ay la wareegto goobaha ay ka baxaan ciidamadda AMISOM, iyagoo kaashanay
shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kalena waxuu tilmaamay in ciidanka qalabka sida ee
Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan shaqadii ay ciidanmadda
Midowga Africa ay u hayeen ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare Kheyre oo soo xiray shirka ayaa tilmaamay in xukuumaddiisa
ay u diyaar garowday sidii ay ula wareegi lahayd guud ahaan amniga dalka,
wuxuuna ka mahad celiyay doorkii ay beesha caalamka ka qaadatay sugida amniga
dalka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]