4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 13, 2018
Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan Xaliimo Yareey oo xabsiga laga sii daayay

 

Sabti, Janaayo, 13, 2018 (HOL)– Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in goor dhaw Xabsiga laga sii daayay guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)

Xaliimo Yareey oo la hadashay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in xabsiga ka soo baxday, laakiin ma aysan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan.

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo odayaal deegaanka ah oo ku booqday guriga ay ka degan tahay Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay in ay raali-galin ka bixiyeen xariga guddoomiyaha.

Guddoomiyaha guddiga Madaxa-bannaa  ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa socdaal shaqo ku mareysa deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]