4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 12, 2018
Madaxweyne Xaaf : Maalinta Isniinta ah madaxweyne Farmaajo wuxuu imanayaa magaalada Cadaado

 

Jimco, Janaayo 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalintii shalay dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo fool leeyihiin sida uu hadalka u dhigay deegaannada Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisu ku soo fool leeyihiin degmada Cadaado, isaga oo bulshada ka codsaday in u diyaar-garoobaan soo dhaweynta wafdiga.

Wuxuu sheegay marka uu Madaxweynaha yimaado in uu booqan doono dhammaan degaanada Galmudug, ayna u bandhigi doonaan baahiyaha daran ee ka jira Galmudug.

Saraakiil qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in Madaxweynaha maalinta Barri uu tegi doono Magaalada oo ay ka kala arrimiyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u soo maray degmooyinka Garowe, Qardho, Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeyr, Karin iyo Laag oo ka tirsan Puntland, wuxuuna ku sugan yahay Boosaaso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]