4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2018
Dowladda Kenya oo qabatay haweeney looga shakisan yahay Al-shabaab

 

Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Kilifi ee dalka Kenya Magu Mutindika, ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay haweeney 44 jir ah oo lagu magacaabo, Saidia Matani ku qabteen magaalada, shaley gelinkii dambe kaddib markii ay diidday in la baaro.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haweeneydan laga helay Saddex Baasaboor oo ay lahaayeen dad kala duwan, wuxuuna intaa raaciyay in loo soo bandhigi doono baarayaasha ku shaqada leh arrimahan, si su’aalo dheeraad ah loo waydiiyo.

Wuxuu kaloo sheegay in ay hayaan raadad caddeynaya in ay haweeneydani ku lug leedahay kooxaha argagixisada, waajibna ay ku tahay in ay qabtaan qofkii ay ka shakiyaan islamarkaana ay sharciga la tiigsadaan.

Haweeneydan ayaanan weli la shaacin dalka ay ka soo jeeddo, iyadoo sida ay masuuliyiinta degaankaasi sheegeen lagu samayn doono baaritaanno dheeri ah si xog buuxda looga helo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]