4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2018
Madaxweyne Waare oo la kulmay qaar ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto Hirshabeelle

 

Jimco, Feberaayo, 09, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad Soomaaliyeed ee Hirsahebeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala dowladda dhexe.

Madaxweynaha iyo xildhibaannada  ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo howlaha horyaalla maamulka Hirshabeelle iyo Sida  ay lagama maarmaanka u tahay in la iska kaashado horumarinta Hir-shabeelle.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen xaaladaha amni iyo midda bulsho  ee degaannada Hirshabelle, iyo in xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle ay u midoobaan horumarinta iyo dhisidda dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulka haatan jira.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay muddada xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, wuxuuna ugu baaqay inay qaataan doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan.

Sidoo kale qaar ka mid xildhibaannada ayaa u faah faahiyay Madaxweynaha Socdaal dhowaan ay ku tageen degaanno ka tirsan Hiiraan , iyagoo hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyaga iyo Madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]