Shirka golaha Amniga Qaranka oo lagu waddo in maanta la soo gabagabeeyo
Khamiis, Feberaayo, 08. 2018 (HOL) – Maanta ayaa lagu
wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka Golaha Amniga Qaranka oo furmay 6-dii bishan, kaasi oo u
dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.
Shirkan ayaa
waxaa Madaxda ka qeyb gashay waxa ay uga hadleen hanaanka ay u dhaceyso
doorashada dalka sanadka 2020, Dib u eegis lagu sameynayo Dastuurka dalka,
Xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta
hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.
Shirka oo shalay
uu maalinkiisa labaad ahaa ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Madaxda Maamul
Goboleedyada, Xubnaha Arrimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka, iyada oo sidoo
kale shirkan looga dooday arrimaha amniga oo diirada lagu saaray iyo sidii ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.
Ra’iisul Wasaare
ku xigeenka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa warbaahinta u sheegay
shirka in maanta la soo gaba gabeynayo, lagana soo saarayo war-murtiyeed ay
isku raacsan yihiin Madaxda ka qeyb gashay.
Shirka Golaha
Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu
dhawaaqay, waxaana shirarka ay yeeshaan Madaxdan ay noqdaan kuwa xasaasi ah oo
qaata, waqti ka badan midkii loo qorsheeyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]