4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2018
Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerar xalay ka dhacay Boosaaso

 

Arbaco, Feberaayo, 07, 2018 (HOL) - Xarrakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar xalay fiidkii kooxo hubeysan ku qaadeen Saldhigga Booliska ee Bartamaha Boosaaso, kaasoo ku dhow Dekeda Boosaaso.

Weerarkan oo ahaa mid muddo socday ayaa la isu adeegsaday rasaas culus iyo Bambooyin, iyadoo markii dambe ciidankii Booliska ee ilaalada ka hayay Saldhigga iska caabiyeen.

Weerar ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex Askar oo uu ka mid ahaa Taliye ku-xigeenka saldhigga Bartamaha.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ee Puntland.

Puntland ayaa dagaal kula jirta Al-Shabaab iyo Koox taabacsan Daacish oo ka howl gasha Dhulka Buuraleyda Gobolka Bari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]