4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2018
Magaalada Dhoobleey oo lagu soo bandhigay Ajaanib la sheegay in ay Shabaab ka tirsanaayeen
Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL)-Maamulka deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose ayaa soo bandhigay ilaa sedex rag ah oo ku eedeeysan in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, kuwaa oo ay ciidamadu sheegeen in ay gacanta ku dhigeen xilli ay qorsheeynayeen in ay si sharci darro ah ku galaan dalka Kenya.

Raggan oo ay saraakiisha ammaanku sheegeen in ay kasoo kala jeedaan dalalka Kenya iyo Tanzania ayaa lagu soo bandhigay xarunta ciidamada ammaanka magaalada Dhoobleey.

Taliyaha Ciidamada ammaanka Dhoobleey Heybe Axmed C/laahi ayaa sheegay in raggan ay ka yimaadeen gobolka J/dhexe, isagoo intaa ku daray in mudo dheer ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, waxa uu xusay in xogta ku saabsan raggan ay xilli hore heleen, islamarkaana ay dabagal ku hayeen.

Taliyaha ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen ayagoo doonaya in ay ka gudbaan soohdinta Soomaaliya islamarkaana galaan Kenya.

Mid kamid ah ragga eedeeysaneyaasha ah oo magaciisa ku sheegay Ciise ayaa yiri ."Soomaaliya waxaan imid sanaddii 2014, waxaan u imid in aan barto Diinta Islaamka, hadda waxaan kasoo baxay Jilib, waxaana u socday Kenya, ragga nasoo diray waxay nagu dheheen Kenya gala anagaa idiin soo waceeyna, kadib waxaa nalaga soo qabtay anagoo gali rabna Kenya."



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.