4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2018
Dhalinyaro Kenyaan ah oo la sheegay in ay ku biireen Al-shabaab

 

Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL) - Qaar ka mid ah dadka ku nool degaanka Marsabit ee dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dhalinyaro badan oo kunoolaa degaankaasi ay ku biireen Al-Shabaab todobaadyadii lasoo dhaafay.

Waxa ay sheegeen in qaar ka mid ah culimadda degaanka ay ka qeyb qaateen in dhalinyaraddaasi ay ku biiraan Al-shabaab.

Waaliddiinta carruurtooda ay ku biireen Al-shabaab ayaa warbaahinta u sheegay  todobaad kasta dhamaadkiisa ay Shan ka mid ah culimada degaanka qabtaan muxaadarooyin carruurta lagu jecleysiiyo aragtida xagjirnimada islamarkaana loogu biiriyo Al-shabaab,iyaga oo ka codsaday in dowladda wax badan ka qabato arrintan.

Todobaadyadii ugu dambeeyay ayeey tilmaameen qaar ka mid ah dhalinyaradda degaanka ay ku biireen Al-shabaab, iyadoo ay arkaayaan Waalidiintii dhalay.

Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro qorsheysan ka geysta degaanada ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya iyo sidoo kale Magaalo xeebeedyadda dalka Kenya.

Waxaa  sidoo kale jira dhalinyaro badan oo ku biiray Al-shabaab kuwaasoo weerara Gudaha dalka kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]