Maldives oo lagu soo rogay xaalad degdeg ah
Talaado, Feberaayo, 06 ,2018 (HOL) - Xukuumadda Maldives ayaa ku dhawaaqday
in lagu soo rogtay dalkaasi xaalad degdeg ah muddo 15 maalmood ah Kadib
markii dalkaasi uu gallay xasarad siyaasadeed.
Wararka ayaa sheegaya in xaaladdan degdega ah ay ciidanka siinayso awood ay
ku soo xiraan dadka laga shakisan yahay.
Dowladda ayaa kala dirtay baarlamaanka waxayna amartay in laga hortago
tillaabo walba oo maxkamadda sare ay xukunka uga qaadayso madaxweyne Abdulla
Yameen
Saacado yar ka dib markii lagu dhawaaqay xaaladda degdega ah ciidanka
amaanka ayaa gallay dhismaha maxkamada sare.
Maxkamadda markii ay ciidanku gallayeen waxaa joogay xaakimiin. Balse afhayeen
hadlay ayaa sheegay inuu la xiriiri karri waayay xaakimiinta.
Waxaa sidoo kale jira go’aan ku saabsan inaysan sharci ahayn dacwada loo
haysto madaxweynihii hore Maxamed Nasheed oo sharcidaro lagu tilmaamay.
Waxaa isna shaqada laga eryey taliyihii booliska oo isagu sheegay in uu
taageersan yahay go’aanka maxakamada.
Dowladdu Waxaa amar ku bixisay in la soo xiro labo xildhibaan oo mucaaradka
ah oo dhowaan dalkaasi Maldives ku soo noqday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]