Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL) – Dowladda Talyaaniga ayaa labo gaadiidka gaashaaman ku wareejisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Booliska oo uu guddoomay Wasiiraka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.
Dowladda Talyaaniga ayaa deeqdan gaadiidka gaashaaman Soomaaliya u soo mar-siisay ururka midowga Africa.
Dowladda Talyaaniga waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah u daneeya Arrimaha Soomaaliya kana taageerta Arrimaha Militariga iyo dhinacyada horumarineed.
Wasaaradda Amniga ayaa ka mahadceliysay taageeradan ay ugu deeqdan dowladda Talyaaniga
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]