4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2018
Maamulka Jubbaland oo beeniyay in xiisad ka jirto Kismaayo

 

Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL)- Maalmihii ugu danbeeyay waxaa isa soo tarayay warar sheegaya in magaalada Kismaayo ay ka jirto xiisad ka dhalatay xildhibaan dhawaan xabsiga la dhigay, kaddib markii lagu eedeeyay in uu danbi ka gallay maamulka.

Taliyaha ciidamada Booliiska magaalada Kismaayo G/sare Maxamed Naasir Guulleed Xassan oo la hadlay VOA ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay jiraan ciidamo ku abtirada xildhibaanka la xiray oo lagu magacaabo Axmed Daajir ka gadoodeen maamulka iyo xiisad colaadeed oo arintaan ku saabsan oo ka taagan magaalada.

Wuxuu sheegay in taliyaha in aysan jirin ciidamo ka gadooday maamulka Jubbaland oo ka careysan xariga xildhibaan, isaga oo intaa ku daray in wararka yihiin kuwo been abuur ah oo ay baahinayaan dad ka soo horjeeda sida uu hadalka u dhigay Nabada magaalada Kismaayo.

Mar uu ka hadlay xildhibaanka xiran iyo sababaha xarigiisa loo cukaday ayuu yiri’’ dabcan xildhibaanka xiran danbi ayaan loo heystaa , qofka haddii uu sharciga u gafo dowliga ahna waa la qabanaya, dowladda ayeeyna u taalaa sida laga yeelayo’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliiska Kismaayo.

Xildhibaankan oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa xasaannada lagala noqday kaddib markii lagu eedeeyay in uu u bareeray falal lid ku ah Amniga iyo kicin dadweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]