4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlayay go'aankii Trump ee Quddus

 

Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) - Wasiiru- Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Kheyre  ayaa ka qeybgalay shir Wasiirada arrimaha Dibadda Carbeed ay kaga tashanayeen waxaa ka dhashay go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku aqoonsaday magaalada Qudus “Jerusalem” in ay tahay caasimadda Israel, kaa oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shir guddoonka Golaha oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa mar kale ku dhawaaqay diidmada Wadamada Carbeed ee go’aanka Trump.

Kulanka Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxaa ay dib ugu qiimeynayeen xaaladda Qudus, waxa ayna isla garwaaqsadeen in Qudus ay abid ahaato Caasimadda reer Falastiin.

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa uu booqday Carwada buugaagta ee Qaahira, isaga oo daalacday buugaagta ay soo bandhigayeen dad maskax maal ah oo ka soo jeeda wadamada Soomaaliya, Masar, Libya, Isutagga Imaaraatka Carabta iyo kuwa kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]