4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2018
Cabdi Qeybdiid : Wali waxba lagama qaban saraakiishii amray weerarkii lagu qaaday Gurigeyga

 

Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Golle ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay weerarkii bil ka hor gurigiisa lagu qaaday.

Waxa uu sheegay Cabdi Qeybdiid iney jiri karto qatar ku wajahan isaga iyo qoyskiisa, waxa uuna ku dhaliilay dowladda Federaalka in aysan wax ka qaban dadkii ka dambeeyay weerarkii 30-kii December 2017 lagu qaaday hoygiisa.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in weerarkii gurigiisa lagu qaaday la doonayay in isaga lagu dilo balse ilaahey ka bad baadiyay, waxaa uuna tilmaamay in arrintan aysan  kaligii qatar ku ahaan karin ee sidoo kale ay ku tahay cid walbo oo kamid ah madaxda dowladda .

Waxa uu xusay Senator Cabdi Qeybdiid weerarkii lagu qaaday gurigiisa uu ka qaaday murugu badan, waxa uuna tilmaamay in qoyskiisa wali ay dareemayaan cabsidii ay ka qaadeen weerarkaasi.

Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Golle ee Baarlamaanka ayaa ugu baaqay labada Golle ee Baarlamaanka in Guddi baaritaan u saaraan arintan si uu uga bad baado qatar kale oo noloshiisa ku timaada.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa weerarkii Cabdi Qeybdiid gurigiisa ku qaadeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya waxaa ay u saartay guddi baaritaan, hassa ahaatee ma jirto wali wax natiijo ah oo kasoo baxday baaritaankaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]