4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2018
Wararkii ugu dambeeyay Muhaajiriin ku dhintay xeebaha Liibiya

 

Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL) - Hay’adda qaxootiga ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in Muhaajiriin badan laga cabsi qabo in ay ku dhinteen badda kaddib markii doontii ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha Liibiya.

Inta badan dadka ka badbaaday doonta qalibantay ayaa la sheegayaa in ay yihiin dad u dhashay waddanka Pakistan.

Sidoo kalena waxaaa doonta saarnaa dad u dhashay dalka Liibiya.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen ku dhawaad 90 qof, Liibiya ayaa sannado badan ahayd marinka ugu weyn ee ay maraan qaxootiga tahriibaya ee isku dayaya inay ku gaaraan safar badda ah dalalka ku yaalla bariga Yurub.

Ururka Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la yareeyo tirada qaxootiga ee soo gaaraya dalalkooda iyo in go’aan laga gaaro dalalka mas’uulka ka ah fududeynta muhaajiriinta soo galaya dalkooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]