4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2018
Trump oo ka digay in la carqaladeeyo baaritaanka doorkii Rushka doorashadii Mareykanka

 

Sabti, Feberaayo, 03, 2018 (HOL)- Xubno sarsare oo ka mid ah xisbiga Dimoqaraadiga ayaa uga digay madaxweyne Trump in uusan u adeegsan warqada rasmiga ah ee uu muranku ka taagan yahay "cudur daar " uu shaqada uga eryo la taliyaha gaarka ah ee baaraya eedeymaha la xiriira faragalintii Ruushku ku lahaa doorashada Mareykanka.

Waxaa ay ka digeen in tallaabada noocaasi ah ay dhalin karto dhibaato dhanka sharciga ah oo aanan dhicin tan iyo xiligii Nixon era.

Waxaa ka taagan magaalada Washington khilaaf xooggan oo ka dhashay dukumenti ku eedeynaya hay'adda sirdoonka Mareykanka ee FBI-da inay ku xadgudubtay awoodeedda kaddib baaritaan ay ku sameyneysay in kooxdii ololiha Trump ee doorashadii Mareykanka uu xiriir kala dhaxeeyay Ruushka.

Dukumentiga oo ay qoreen gudiga sirdoonka xisbiga Jamhuuriyiinta ayaa ku eedeeyay hay'adda mukhaabaraatka Mareykanka ee FBI-da inay adeegsadeen cadeymo aanan la xaqiijin si ay jaajuusaan kaaliyaha madaxweyne Trump.

Balse haya'adda FBI-da ayaa dukumentigaasi ku tilmaantay mid aan saxneyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]