4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2018
Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Gaalkacyo

 

Jimco, Feberaayo, 02, 2018 (HOL)- Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ka danbeeysay Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamul gobolleedka Puntland.

Al-shabaab ayaa sheegatay in qaraxaasi ay ku dileen Farxaan Caato oo sida ay sheegeen ka tirsanaa laamaha sirdoonka maamul gobolleedka Puntland.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan qaraxa uu ku dhintey Faarax Caato.

Wararku waxaa ay sheegayaan in sarkaalkan la dilay uu ka soo baxay Masjid ku yaal agagaarka xarunta cusub ee dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo isagoo ku soo Tukaday salaadii Jicmaha waxana uu qarxay gaarigiisa isagoo doonayay inuu gurigiisa u kaxeysto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dad rayid ah ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxan iyagoo ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay.

Saraakiil hore ayaa ku dhintey magaalada Gaalkacyo kadib markii baabuurtoodii loogu xirey waxyaalaha qarxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]