4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2018
Warar dheeraad ah oo ku saabsan Qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM

 

Jimco, Feberaayo, 02, 2018 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax miino oo Waqooyiga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe lagula eegtay ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM.

Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabelle C/qaadir Aadan Jeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada la bartilmaameesaday wax khasaare ah ka soo gaarin Qarax, laakiin gaariga ay la socdeen wax yeelo soo gaarto.

Qaraxan ayaa gaar ahaan ka dhacay deegaan lagu magacaabo HaanSheekh oo u dhexeysa Balcad iyo Gololey ayaa ah goob labo toddobaad ka horay miino kula qaraxday gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in howlgal laga sameeyay halkaa oo dhir ay ku dhuuman jireen Al-Shabaab laga jaray haatana ay qorsheynayaan in ciidamo isugu jira Soomaali iyo ciidamada AMISOM la dejin doono.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa dhawaan shirkii golaha Wasiirada ka dhax sheegay in dhamaan gobolka Shabeellaha dhexe laga sifeeyay Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]