4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2018
Tahriibayaal ku qaraqmay xeebaha Liibiya

 

Jimco, Feberaayo, 02, 2018 (HOL)- Ilaa 90 ruux oo Muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay badda ku qaraqmeen ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Liibiya, waxaa sidaasi sheegtay hay’ada socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Saddex ka mid ah dadkii ka badbaaday doontaasi ayaa sheegay in inta badan dadka doonta ku qaraqmay ay ahaayeen dad u dhashay dalka Pakistaan.

Liibya ayaa muddo sanado ah marin u ahayd Tahriibayaasha doonaya in ay gaaraan Bariga Yurub iyaga sii maraya Badda.

Balse sanaddii aanu soo dhaafnay ayaa waxa ay dalalka Yurub heshiis muran dhaliyay la galeen ilaalada xeebaha Liibiya si ay gacan uga gaystaan joojinta qulqulka muhaajiriinta doonaya in ay Taliyaaniga gaaraan.

Hay’adaha gargaarka iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay dowladaha Yurub in qaab aan bina’aadanimo ahayn ay u wajaheen arrintan, Hay’adda Amnesty ayaa sheegtay in dowladaha Yurub ay ku lug yeesheen jirdil loo gaysto muhaajiriinta.

“Maydadka Tobon qof ayaa la sheegay in xeebaha liibiya ay ku soo caariyeen,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saartay hay’adda socdaalka aduunka ee (IOM), Afhayeen u hadlay ha’adda ayaa sheegay in Pakistaniyiinta isku dayaya in ay Taliyaaniga gaaraan ay sii kordhayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]