Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulmay safiirka Imraaadka
Jimco, Feberaayo, 02, 2018 (HOL)- Wasiirka
Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Axmed Ciise Cawad ayaa kulan gaar ah la yeeshay Maxamed Axmed Othman Al
Hammadi, oo ah Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Safaaradda Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa
labada dhinac waxa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada
dal, si labada dal ay u sameeyaan horusocod dan u ah.
Danjiraha Imaaraadka Carabta u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku
amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo soo
celin lahaa Dowladnimo buuxda, oo leh isku filnaansho ay wax walba ku qabsan
karto.
Sidoo kale Safiirka Imaaraadka Carabta ee ee Soomaaliya Maxamed Axmed Othman Al
Hammadi ayaa Madaxda Imaaraadka in ay ka go’an tahay kordhinta taageerada ay
siiyaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay marwalba in ay garab taagan yihiin Dowladda
iyo shacabka Soomaaliyeed.
Danjire Al-xamaadi ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda
Soomaaliya u gudbiyay dhambaal salaan ah oo uu kaga siday dhiggiisa dalka
Imaaraadka Cabdala Bin-Zayed Al-Nahyaan iyo wasiiru dowlaha Dalkaasi Dr Anwar
Bin Maxamed Qarqaash, iyagoo u rajeeyay inuu ilaahay ku guuleeyo howlaha
horyaalla.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa u
mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta iyo shacabkeeda, isagoo ku amaanay
sida mar walba ay ula garab taagan yihiin taageerada aan xadka laheyn ee ay
siinayaan Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka ayaa Dowladda Imaaraadka ku ammaanay
mashaariicda horumarineed ee dhan walba leh ee ay ka waddo Dalka Soomaaliya,
gaar ahaan taageerada ay siiso Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]