4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2018
Garoonka kubadda cagta Kismaayo oo markii ugu horeeysay lagu dheelayo xilli habeen ah [DAAWO]
Jimco, Feberaayo, 02, 2018 (HOL ) Garoonka Waamo oo ah kan ugu weyn ee lagu cayaaro kubadda cagta ee ku yaal guud ahaan Jubbaland ayaa waxaa mudooyinkii u danbeeyay ku socday howlo dib loogu dayactirayo.

Xalay ayaa markii ugu horeeysay lagu dheelay kubadda cagta ah kadib markii uu garoonku yeeshay nalal suurogaliyay in xilli habeen ah la dheelo.

Ku simaha wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland Mudane C/waaxid Axmed Yare oo ka hadlay munaasabaddii daahfurka cayaaraha lagu dheeli doono habeenkii ee garoonka ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeyo kooxaha heerka 1-aad ay garoonka ku dheeli doonaan habeenkii, halka galabtiina ay dheeli doonaan kooxaha heerka labaad.

Xiriirka kubadda cagta Jubbaland ayaa dhankooda sheegay in la dhameystiri doono qeybaha ka harsan garoonka ee weli u baahan dayactirka, ayagoo xusay in garoonku marti gelin doono ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo kuwa degmooyinka Jubbaland.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.