4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2018
Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Baay

 

Jimco, Feberaayo, 02, 2018 (HOL)- Maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa sheegay in Sarkaal Al-shabaab ka tirsanaa lagu dilay hawlgal ka dhacay duleedka degmadaasi, iyadoo tiro kale oo Al-shabaab ahna gacanta lagu dhigay.

Gudoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shig-shigow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hawlgal ay Khamiistii iska kaashadeen ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay deegaanka  Raaxoole lagu dilay sarkaalka Al-shabaab  ka tirsanaa.

Sarkaalkan la dilay, ayuu sheegay in uu ahaa mid hoggaaminayay dagaalyahano 20 gaareysa oo Al-shabaabka tirsan, laguna weeraray deegaanka Raaxoole oo 50-KM u jirta Degmada Diinsoor, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hawlgalka lagu soo qabtay Saddex ka mid ah Al-Shabaab, kuwaas oo sida uu sheegay la keenay degmada Diinsoor, isla-markaana ay cadaalladda horgayn doonaan.

Al-shabaab ayaa ka howlgala deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool iyadoo halkaa marar badan ay ku dagaalameen ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]