4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2018
Diyaarad ku dhacday deegaan ku dhaw degmada Wanbal-Weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Jimco, Feberaayo, 02, 2018 (HOL ) - Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in ay jirto diyaarad nuuca xamuulka qaadda ah, oo ku dhacday duleedka degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo ah Gudoomiye Ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee maamulka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay heleen xogta ku  saabsan diyaaradan, gelinkii dambe ee maalintii Arbacada.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay ka hor inta aysan dhicin in lagu arkay iyadoo joog hoose ku duuleysa inta u dhaxeyso degmada Wanla-weyn iyo deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay in diyaaradu u suurtagali weyday in ay kor kacdo iyadoo ugu danbeyntii ku soo dhacday degaanka Labiga Dhaadheer, oo ku dhow xeradii hore ee ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed ee Kaba Hirig.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale gobolka Shabeellaha Hoose lagu arko burburka diyaarado la sheegay in ay ku soo dhaceen kuwaa oo u badan diyaaradaha wax basaasa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]