4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2018
Sanbaloolshe : Ma doonayo in aan cid gaar ah ku eedeeyo dhiibistii Qalbi-Dhagax

 

Jimco, Feberaayo, 02, 2018 (HOL ) Taliyihii hore ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay cida leh mas’uuliyadii Itoobiya loogu gacan galiyay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa diiday in uu cid gaar ah farta ku fiiqo.

Wuxuu sheegay in go’aankaasi ahaa mid dowladdeed looguna daneynayay Amniga Qaranka, balse waxaa uu meesha ka saaray in uu jiro mas’uul ka tirsan dowladda oo arintaa si gaar ah ugu lug lahaa.

‘’Ma rabo in aan cid gaar ah farta ku fiiqo, waayo waad og-tihiin golaha Wasiirada ayaa fariistay oo go’aan arintaa ka soo saaray, marka Anniga shaqsiyan dowladda ayaan waqtigaa ka tirsanaa go’aan dowladda ka madax-bannaan oo aan qaadan karay-na ma jirin’’ ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Mar wax laga weydiiyay sababta ilaa iyo hadda madax-da Qaranku ugu dhiiran la’yihiin magacaabista taliyaha Nabad-sugida ayuu sheegay in su’aashaa ay ku wacnaan-laheyd in la weydiiyo madax-da Qaranka, laakiin isaga ay la tahay in wali la’yahay cid lagu aaminno xilkaas ama laga yaabo in ay jiraan shaqsiyaad magacaaban laakiin bulshadu aysan ka warqabin.

Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyay in marnaba uusan ka hadal xiisada ka taagan deegaanka Tukarraq oo dagaal culus uu ka dhacay isaga oo ku sugan magaalada Garoowe arintaan oo ku tilmaamay in ay aheyd mas’uuliyad daro.

‘’Socdaalka madaxweynaha uu ku tagay gobollada dalka waxaa loogu magac-daray dib-u-heshiisiin, waa wax fiican, laakiin waad ogtihiin isaga oo jooga Garoowe ayuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Tukarraq, marnaba madaxweynuhu kama uusan hadal, arintaa oo noqon karta mas’uuliyad darro’’ ayuu yiri Sanbaloolshe.

Wuxuu ka digay in la caburiyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed isaga oo sheegay in qofku xor u yahay in uu cabiro aragtidiisa siyaasadeed, isaga oo tallaabo lagu deg deg ku tilmaamay weerarradii kala duwanaa lagu qaaday qaar ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka.

“looma baahna in siyaasiyiinta la caburiyo dagaalka Al-shabaab lagula jirana loo wareejiyo meel kale wadankana laga dhigo meel dadka lagu caburiyo gacan bir ahna lagu qabto, xoriyatul qowlna uusan jirin,”.

Sanbaloolshe ayaa dhawaan looga guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Jowhar Kursiga xubinnimada baarlamaanka, isaga oo ku eedeeyay dowladda in lacag dhan Hal Milyan oo dollar ku bixisay in uusan ku soo bixin xubinnimada golaha shacab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]