Shirkii golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah
Khamiis, Feberaayo, 01, 2018 (HOL) – Shirka Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda
dawladda federaalka ee Soomaaliya, oo uu shir gudooominayay Ra’iisul
Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta looga hadlay, soo bandhigidda
jadwal-howleedka shaqo ee tubta siyaadda loo dhanyahay, Warbixin ka hadlaysa
xaaladda Wabiyadda Daawad iyo Shabeelle, Sharciga Shirkadaha oo loo qaybiyay
goloha wasiiradda, Warbixn ku saabsan shirka Dhaqaalaha Aduunka, Amniga dalka
iyo arrimo kale.
Wasiirka Amnigga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa laga dhagaystay
warbixin ku saabsan 37 caruur ah oo ay Shabaab qaataan kuwaas oo lagu
tobobarayay gobolka Shabeelladda Hoose, si ay ugu adeeg sadaan qaraxyadda iyo
fallalka argagaxnimo ugana dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna Wasiirku
sheegay in lagu guulaystay dhamaantood in la soo qab-qabto, waxayna haatan ku
jiraan gacanta dawladda.
Wasiirka Gaashaadhinga Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa ka
hadlay isku dhafka ciidamo qaran, waxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan
habkii la iskugu dhafi lahaa ciidamada dalka, isgoona tilmaamay in lagu howl
jiro xarumihii la dajin lahaa ciidamada. Sidoo kale waxuu sheegay in gobolka
Shabeellada Dhaxe laga sifeeyay kooxda Alshabaab, haatana la diyaarinayo
qorshihii lagaga saari lahaa gobolka Shabeellada Hoose.
Wasiirka Qorshaynta iyo Xariirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed
Xassan ayaa laga dhagaystay warbixin ka hadlaysa shirkii dhawaan uu Ra’iisul
Wasaarahu ugu qayb galay wadanka Switzerland ee ku saabsanaa dhaqaalaha
Aduunka. Isagoona sheegay in ay ku shirka ku soo bandhigayn khayraadka
Soomaaliya, sidoo kalena waxay codsadeen in laga cafiyo daymaha caalamiga ah ee
lagu lee yahay dalka Soomaaliya.
Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ayaa cadeeyay in Ra’iisul Wasaare Khayre uu
si wayn madaxda caalamka ugu faah-faahiyay nabada iyo xasiloonida ka jirta
Soomaaliya, si ay u maalgashadaan dalka, shacabkuna ay ugu faa’iidaystaan.
Sidoo kalena waxuu shacabka Soomaaliyeeda u soo jeediyay in ay bixiyaan
canshuurta, si daymaha aan iskaga bixino.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka
warbixiyay shirar kala duwan oo uu kaga qayb galay dalalka Kenya, Itoobiya iyo
sucuudiga, waxuuna soo bandhigay heshiisyada ay Soomaaliya la gashay ururka
Iskaashiga Islaamka ee (OIC) , waxuuna cadeeyay in Soomaaliya ay barbar taagan
dalalka Islaamka.
Dhanka kale waxuu faah-faahin ka bixiyay shirka Ururka AU, oo Madaxwaynaha
Soomaaliya uga qayb galay Itoobiya, isgoona tilmamay in ay Soomaliya u
tartamayso xilka xoog-haya fulinta ee Ururka goboledka IGAD, maadaama ay
Soomaaliya markale saaxadda aduunka ku soo laabatay, ayna doonayso in ay
kalinteeda ka qaadato.
Wasiirka Wasaarada Beeraha, ayaa madasha ka khriyay warbixin ka hadlaysa
mashruuc biyo xireen ah oo ay iska kaashanayaan dalalka Kenya iyo Itoobiya kaas
oo laga dhisayo xadduudka ay la wadaagaan Soomaaliya. Waxuuna wasiirka
iftiimiyaya saamaynta ay ku yeelan karaan wabiyadda Daawad iyo Shabeelle oo
xadduud la wadaaga labada dal. intaas ka ka dib Ra’iisul Wasaaraha ayaa
magacaabay Guddi heer Wasiir ah oo ka kooban Shan Wasaaradood oo kala ah,
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Xanaaanadda Xoolaha, Beeraha iyo
Waraabka iyo Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, oo si dhow ula socondoona biyo
xireenka labada dal.
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa goloha
Wasiirada u qaybiyay Sharciga Shirkadaha Soomaaliya, si ay usoo akhristaan ka
dibna loo ansixyo, waxuuna faah-faahiyay sharcigan iyo waxyaabaha uu ka
hadlayo, isgoona qeexay faa’iidooyin uu shacabka u leeyahay. Sidoo kalena waxuu
iftiimayay sida loogu bahaan yahay in la helo sharciga Warshadaha Soomaaliya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]