4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 1 , 2018
Wasiirradda Arrimaha dibada Soomaliya iyo Somaliland oo ku kulmay Addis Ababa

 

Khamiis, Feberaayo, 01, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in magaalada Addis Ababa ay isku arkeen Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Wasiir Shire oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Wasiirka dhiggiisa ah ee Soomaaliya ay ka wada hadleen labo qodob oo kala ahaa wada hadalladii hakaday ee labada dhinac sidii loo bilaabi lahaa iyo xiisada deegaanka Tukaraq.

‘’Intii aan joogay magaalada Addis Ababa waxaa is aragnay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad , waxaan ka wada hadalnay labo qodob oo muhiim ah oo kale ahaa sidii dib loogu soo nooleyn lahaa wada hadalladii labada dhinac iyo xiisada ka taagan deegaanka Tukarraq’’ ayuu yiri Wasiir Sacad.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in marnaba xukuumadda Soomaaliland iyo shacabkeeda diyaar u aheyn dagaal iyo lagu xadgudbo deegaannada dariska ah, isaga oo intaa ku darray ciidamada Soomaaliland ku sugan yihiin xuduuddooda.

Waxaa uu sheegay in ugu danbeyntii Wasiir Cawad isku afgarteen in arinta Tukarraq lagu dhameeyo wada hadal iyo nabad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]