4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 1 , 2018
Kenya : Maxkamad hakisay xarigga Telleefishinno

 

Khamiis, Feberaayo, 01, 2018 (HOL) – Maxkamadada sare ee dalka Kenya ayaa hakisay go’aankii ay dowladda hawada kaga saartay saddex ka mid ah telefishinada dalkaasi oo maalintii 2aad xaniban.

Telefishinada kala ah NTV, KTN iyo Citizen ayaa hawada ka baxay Talaadadii saacadu markay ahayd 9 barqanimo markii dowladu ay soo saartay amar sidaas faraya.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay joojisay xiritaanka telefishinadan muddo 14 maalmood ah si kiiska Maxkamada yaalla loo dhagaysto isla markaana go’aan laga gaaro.

Dowladda ayaa ku eedeysay telefishinada la xiray inay qorshaynayeen tabinta xafladdii uu Madaxwaynanimada isugu dhaariyay Raila Odinga maalintii shalay ahayd.

Wasiirka arrimahha gudaha ee Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay in xarumahan warbaahineed sii xirnaan doonaan ilaa baaritaanada laga soo gebagebaynayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]