4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 1 , 2018
Qarax lala eegtay Gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsanaa shirkadda Hormuud

 

Khamiis, Feberaayo, 01, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tareedisho ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax loo adeegsaday Miino lagu Aasay Waddada dhinaceeda lagu bartilmaameedsaday Gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsanaa shirkadda Hormuud.

Goob joogyaal ku sugan deegaanka uu Qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in Miinadu haleeshay Gaariga waxaana lagu waramayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray ciidamadii la socday gaariga.

Maamulka deegaanka iyo saraakiil ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaanada la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]