4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 1 , 2018
Mukhtaar Rooboow oo lagu oo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

 

Khamiis, Feberaayo, 01, 2018 (HOL) – Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa ka degtay diyaar gaar ah oo sida wafdi uu horkacayay Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka tirsanaan jiray hogaanka sare ee Al-shabaab laakiin markii danbe sheegay in uu isaga baxay.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyay waxaana garoonka ku soo dhaweeyay wafdiga Rooboow mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Socdaalkiisa magaalada Baydhabo waxaa ku wehlinayay saraakiil ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo ka raacay magaalada Muqdisho.

Mukhtaar Rooboow ayaa markii uu isaga baxay Al-shabaab waxaa uu deegaanno ka tirsan gobolka Bakool uu kula dagaalamay xoogag ka tirsan Al-shabaab, isaga oo markii danbe isku soo dhiibay dowladda federaalka, isaga oo cambaareeyay falalka Al-shabaab ay kula dhaqmeen bulshada Soomaaliyeed.

Mudada uu joogo Baydhabo ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato madaxda iyo sarakiisha maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]