Wasiirka Boostada oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku joogay magaalada Boosaaso
Khamiis, Feberaayo, 01, 2018 (HOL) – Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka
Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada,. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo
gaba gabeeyay safar shaqo oo uu ku tegay magaalooyin ka tirsan Puntland.
Wasiirka, oo ay safarka ku wehliyeen Wasiiru-dawlaha, C/laahi Bile Nuur iyo
hawl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda, ayaa socdaalkiisa ka billaabay caasimadda
Puntland ee Garoowe, waxayna ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa
wada-shaqeynta, loona soo kormeeri lahaa mashaariicda ay Wasaaraddu ku lug
leedahay ee ka socda Puntland iyo xarigga internetka ee shirkadda Golis.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyntii kulan kula yeeshay magaalada
Garoowe Madaxweynaha Puntland, Dr. C/weli Maxamed Cali (Gaas), wasiirka
Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Puntland, Cabdi Xersi Cali
(Qarjab), iyo mas’uuliyiin kale, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa
wada-shaqeynta ka dhexeysa wasaaradda heer federal iyo dawlad-goboleed, iyagoo
isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.
Wasiirku wuxuu sidoo kale booqday xarunta uu ka soo dago xarigga badda
hoosteeda mara ee internetka (fiber optic cable) ee ay dhowaan magaalada
Boosaaso ka hirgelisay shirkadda Golis. Wasiirka oo kulan gaar ah la yeeshay
mas’uuliyiinta Golis ayaa uga mahad celiyay sida ay uga soo jawaabeen baaqii uu
hore u jeediyay ee uu ku dhiirri-gelinayay shirkadaha inay dalka keenaan xargo
kale.
Wasiirka ayaa ka mahadceliyay soo-dhoweyntii loo sameeyay isaga iyo
wafdigiisa. “Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha Puntland, wasiirka
isgaarsiinta iyo ku-xigeennadiisa iyo madaxda Golis sida sharafta leh ee ay noo
soo dhoweeyeen, waxaan rajeyneynaa inaan sii kordhin doonno wada-shaqeynteena,”
ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
.