4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 1 , 2018
Taliye cusub oo la wareegay hogaanka ciidamada AMISOM

 

Khamiis, Feberaayo, 01, 2018 (HOL) – Taliyihii hore ee ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM Gen Cusmaan Nuur Subagle ayaa xilka ku wareejiyay Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo noqonaya taliyaha cusub ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta ugu weyn AMISOM ee magaalada Muqdisho waxaa xilka ku kala wareegay General Subagle oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Jabuuti iyo Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo u dhashay dalka Uganda.

Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan howlgalka AMISOM Ambasaddor Francisco Madiera, saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo Saraakiil Dowladda Federaalka ka tirsan ayaa goob joog ka ahaa Munaasabadda xil wareejinta, oo jawi wanaagsan ku soo dhamaatay.

Besigye waxaa uu taliye ka soo noqday ciidamada  Cirka iyo dhulka, sidoo kale wuxuu leeyahay ku dhawaad 39 Sano oo xirfad  ciidannimo ah, isaga oo heysta labo shahaado darajada 2-aad ee Masterka ah oo dhinaca millatariga, Istiraatiijiyadda iyo xallinta khilaafaadka ah.

Gen. Subagle oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu aad uga shalaynayo isaga oo aanan Al-shabaab ka xureyn dalka inuu xilka wareejiyo, balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay shaqada sii wadi doonaan Taliska cusub ee AMISOM.

Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo dhankiisa goobta ka hadlay ayaa sheegay in Subagle iyo Ciidanka AMISOM ay soo qabteen shaqo adag, hadana uu rajeynayo in shaqada halkeeda uu ka sii wado, wuxuuna Midowga Afrika ka dalbaday in ay kordhiyaan taageerada AMISOM.

Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan howlgalka AMISOM Ambasaddor Francisco Madiera ayaa ugu dambeyntii sheegay in si wanaagsan ay ku dhacday xil wareejinta, wuxuuna General Subagle uga mahad-celiyay shaqadii uu soo qabtay, isaga oo taliska cusub ka dalbaday in ay laba jibaaraan Howlgalka AMISOM.

Cismaan Nuur Subagle ayaa horey xilkan si rasmi ah ugula wareegay taliyihii hore ee AMISOM General Jonathan Rono oo u dhashay dalka Kenya 19-kii July 2016-kii, kadib markii ay dhamaatay xil heyntiisa.

Dowladda Itoobiya ayaa xilligaasi laga sugayay in ay soo magacowdo taliye cusub oo xilka kala wareega Jonathan Rono, balse khilaaf ka dhashay arrintaasi ayaa sababtay in dowladda Jabuuti ay soo dirto Subagle oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]



.