Hoos u dhac ku yimid isticmaalka Facebook
Khamiis, Feberaayo, 01, 2018 (HOL) - Asaasaha Facebook-ga Mark Zuckerberg ayaa sheegay in
isbedela lagu sameeyay qaabka daalacashada wararka ee Facebook-ga ay sababtay
inuu hoos u dhac ku yimaado dadka isticmaala Facebeook-ga.
Mark Zuckerberg ayaa sidookale sheegay inay muhiim tahay in la qaado
tallaabooyinkaasi, si bu yiri loo wanaajiyo isticmaalka Facebook ee
mustaqbalka.
Hadii aad tahay qof badanaa isticmaala shabakadda Facebook, waa hubaal in
aad aragtay isbedel ka muuqda bogga horee ee wararka lagu soo bandhigo oo
muuqaaladii fiidyowga ahaa ku yaraadeen.
Arintaasi waa mid ay shirkaddu ugu talo gashayo oo waa
mid ay shabakaddu ku doonayso in ay ku nadiifiso boggaa hore ujeedaduna waxa
weeye in halkii wararku buuxin lahaayeen loo baneeyo in ay qaado xogo ku haboon
xubnaha qoysaska iyo asxaabta ku xidhiidha bartaas.
Waa tallaabo si dhakhso ah loo dhaqan gelinayo, Facebook oo dadka
shabakadeeda adeegsada bishiiba kor u dhaaafeen laba bilyan oo qof oo wadar
ahaan wakhtiga ay isticmaalaan shabakaddu hoos u dhacay konton milyan oo
saacadood maalintii.
Maraykanka iyo Canada ayaa tirada dadka maalintii isticmaala shabakaddu
markii ugu horraysay hoos ugu dhacday boqol iyo afar iyo sideetan milyan, halka
ay sannadkii hore maalintiiba isticmaali jireen boqol iyo shan iyo sideetan
milyan oo qof.
In kasta oo ay faa'iidada shirkaddu heshaa boqolkiiba koobiyo lixdan
korodhay ahaa hadana maalgashadeyaashu aanay weli kalsooni badan ku qabin oo
waxa qiimaha saamiyada shirkaddu haatan hoos ugu dhaceen boqolkiiba shan markii
ay go'aankan shacisay.
BBC