4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 1 , 2018
Tarsan oo beeniyay in la caburinayo siyaasiyiinta mucaaradka ah

 

Khamiis, Feberaayo, 01, 2018 (HOL) - Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo horay u soo noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir haddana ah La taliyaha dhinaca siyaasadda ee xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira xaalada dalka.

Tarsan oo wax laga weydiiyay in caburin gaar ah iyo cadaadis lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda ayuu sheegay in uusan arintaan aaminsaneyn, madaama ayuu yiri qof walba xaq u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa.

“Anigu caburin ma aaminsani, qofka xuriyatul qowl ayuu leeyahay, laakiin xuriyatul qowlka xad ayuu leeyahay, qofka waxa uu dhahaayo waa in uu mas'uuliyadeeda qaado, wax ummadda isku diraya in aysan noqon, balse hormar lama gaari karayo hadii aanan fikirka si xor ah loo dhiibaneynin” ayuu yiri Tarsan oo hadlay Idaacada Risaala ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in arinta xoriyadul qowlka micnaheedu aheyn in qofku isaga hadlo wixii uu doono, laakiin loo baahan yahay taa badalkeeda xad loo yeelo, isaga oo ku baaqay in aan laga shaqeyn arrimo iska horkeenaya bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar is xigxigtay xabsiga dhigtay siyaasiyiin mucaaradsan, waxaana ugu danbeeyay guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale iyo xoghayaha xisbiga Siyad Cali, kuwaa oo shir jaraa’id ka sheegay in ay ka badbaadeen shirqool lagu dili lahaa, waa sida ay hadalka u dhiggeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]



.