4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 1 , 2018
Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay Iskaashi dhaxmara labada dhinac

 

Khamiis, Feberaayo, 01, 2018 (HOL) - Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Amb. Ahmed Isse Awad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed oo booqasho maamuuseed ugu yimid, waxaa ayna labada dhinac ka wada hadleen xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxaa ay xaqiijiyeen dadaalkooda ay ku bixinayaan horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaallaha iyo maalgashiga, iyadoo loogu saldhigayo isgarabsiga walaalnimo, laguna adkeynayo xiriirka xidideystay ee labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Amb. Ali Mohamed Ali, Agaasimaha guud ee habmaamuuska Adv. Hersi Haji Olosow iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Adam dagaal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]