4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 1 , 2018
Sanbaloolshe : Dowladda ayaa ku Lug laheyd doorashadii leyga guuleystey ee ka dhacday Jowhar

 

Khamiis, Feberaayo, 01, 2018 (HOL) - Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo wareysi siinayay Idaacada VOA ayaa dhaliilay habkii ay u dhacday doorashadii Kursiga xubinnimada baarlamaanka ee dhawaan lagu qabtay magaalada Jowhar.

Wuxuu sheegay Sanbaloolshey in dawladdu ay faragelin ku samaysay doorashadaasi isla markaana ay dhaqaale ku taageertay musharraxa ku guulaystay Nuur Iidoow Bayle oo ku soo baxay 27 cod, halka Sanbaloolshe uu helay 24 cod.

Sanbaloolshe ayaa intaa ku daray in uusan doorashada ku faraxsaneyn laakiin uu isaga qancay, madaama ayuu yiri ay iska muuqatay in dowladdu wadatay musharaxa Nuur Iidoow Beyle.

'' Iyadoo dowladdu ay sheegato in ay la dagaalameyso musuqmasuqa, dhinaca kalana la og-yahay daruufaha kala duwan ee nolaleed iyo Amni ee dalka ka jira in doorashada Kursi kaliya ku bixiso lacag dhan hal Milyan oo dollar waa wax aad looga xumaado, waxaa ka wanaagsanaan laheyd in lacagtaa la galiyo mashaariicdii faraha badneyd ee uu madaxweynuhu dhagax -dhiggay mudaddii uu ku maqnaa safarkii uu ku tagay gobollada dalka'' ayuu yiri Sanbaloolshe.

Wuxuu beeniyay shakiga laga qabey ee ah haddii uu ku soo bixi lahaa doorashada in uu ka mid noqon lahaa xildhibaannada mucaaradsan dowladda, isaga oo sheegay in isaga iyo madaxda Qaranka ahaayeen dad aad isugu dhaw laakiin sida uu hadalka u dhigay dadka kale u kala sheeko xumeeyeen.

 

Dhinaca kale markii uu hadalkaas ka soo baxay waxaa arrinatn ka hadlay Nuur Iidow Beyle oo ah xildhibaanka guuleystay, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin hadalka ka soo yeeray (Sambaloolshe), Doorashadana ay ku dhacday si xor iyo xalaal ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in doorashada goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ku xigeenkiisa, Guddiga Doorashooyinka, Madaxda Gobolka kan degmada, Warbaahinta iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay ilaa Lix Musharax oo kala ahaa C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe Taliyihii hore ee NISA, Cali C/laahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Dahir Cabdulle Cawaale, Nuur Iidow Beyle, Dahabo Xasan Axmed iyo Xuseen Axmed Geelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]



.