Dowladda Turkiga oo qabatay Tahriibayaal
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Ciidamada Amaanka Turkiga ayaa khamiistii
shalay gacanta ku dhigay 226-Qof oo doonayay in si sharci-daro ah uga
tahriibaan dalkaasi ka dib howlgal ay ciidamada ka sameeyeen gobollo dhowr
ah,sida ay saraakiisha Ciidanka sheegeen.
Gobolka Waqooyi galbeed ee Edirne ayay ciidamada amaanka ku qabteen
109-tahriibayaal sharci-daro ah oo xilligaasi ku sii jeeday dalalka Gariiga iyo
Bulgaria,sidaasi waxaa wakaalada wararka Turkiga Anadolu u sheegay
Sarkaal sare oo diiday in la magacaabo sababo amaan dartood.
Tuhmanayaasha la qabtay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Syrian, Afghan, iyo
Iran sida ay ku waramayaan ilaha xogtaan laga helayo.
Sidoo kale,howlgal ay ciidamada amaanka Turkiga ay ka sameeyeen degmada
Edirne’s Ipsala ayaa waxay ku soo xireen 14-Qof tahriibayaal sharci-daro
ah,kuwaasi oo iyagoo baxsad ah la soo qabtay.
Ciidamada Amaanka ayaa ogaaday in muhaajiriinta ay gacanta ku dhigeen yihiin
dad asal ahaan ka soo jeedo dalka Bakistaan,kiuwaasoo doonayay iney gaaraan
dalka Gariiga ka dibna dalalka kale ee Yurub kaga sii gudbaan.
Magaalada Soke ee Gobolka Aydin ayaa Sidoo kale lagu soo waramayaa in
Ciidamada Booliska ay ku qabteen 40-Muhaajiriin oo lagu soo raray gaari xamuul
ah,sida ay Saraakiisha Ciidamada ay xaqiijiyeen.
Wadaha gaariga ayaa cagahiisa kaga baxsaday Booliska ka dib markii uu arkay
inuu ku socdo wado booliska bar-kontarool ku leeyihiin.
Midowga Yurub ayaa dadaal ugu jira sidii uu ula tacaali lahaa tahriibayaasha
faraha badan ee ku sii qul qulaya dalalka Yurub.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]