Xuska maalinta caalamiga ah ee Aragga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Munaasabad lagu xusayey
maalinta arragga Adduunka (World Sight day) oo ku beegneyd shalay oo taariihkdu
aheyd 12-ka bisha Oktoobar ee sanadka 2017 ayaa lagu qabtay Xarunta Jaamacada
Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa si wadajir ah munaasabadan u soo qabanqaabiyey
Jaamacadda Banaadir iyo Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho,
iyadoo ay ka soo ka qeyb galeen masuuliyiin, Macalimiin iyo ardayda Jaamacada
Banaadir qaarkood, Masuuliyiin kale oo ka socotay Xukuumada federaalka Somalia,
Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Isbitaalka Indhaha Al-Nuur, ahna Guddoomiyaha
Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka mid ah dhaqaatiirta
Soomaaliyeed ee ku taqasusay cudurada iyo daweynta indhaha ayaa khudbad uu ka
jeediyay munaasabada kaga waramay muhiimada ay xuska maalintan u leedahay bahda
Caafimaadka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
“Maalinta Arraga Aduunka waxaa sanad walba loogu talo
galay in la xuso Khamiista labaad ee bisha Oktoobar, ujeedada maalintan loo asteeyeyna
waxay tahay in la is-xusuusiyo Caafimaadka Indhaha, muhiimada ay leeyihiin, iyo
sidii wax loogu qaban lahaa dadka aragga la si ay bulshada inteeda kale wax ula
qeybsadaan” ayuu yiri Dr. Dalmar.
Agaasimaha ayaa tilmaamay in sanad walba uu caalamku
munaasabadan u doorto halku dheg cusub, wuxuuna xusay in halku dhega caalamiga
ah ee sanadkan loo doortay uu yahay (Araggu qiimo ayuu leeyahay) wuxuuna ku
dheeraaday hababka ugu haboon ee looga hor tegi karo loona daweyn karo indho
la’aanta oo uu sheegay in %80 wax laga qaban karo.
“Dad ku dhow 300 oo milyan ayaa caalamka oo dhan aan
heysan indho ay wax ku arkaan %90 waxay ku nool yihiin dalalka ka hooseeya
saharaha Afrika, Soomaaliya markaan u soo noqono waxay ka mid tahay dalalka ugu
badan ee ay ka jirto arag la’aanta, waxaana aad ugu badan cudurka (Cataract) oo
ah xuubka aragga ama indhaha daboola” ayuu yiri Dr. Dalmar oo Dhinaca kale ka
warbixiyey howlaha u bulsada uu qabtay Isbitaalka Indhaha Al-Nuur oo uu sheegay
in isagoo kaashanaya heyaddo caalami ah tobankii sano ee ugu dambeeyey uu
qaliimo iyo daweyn bilaash ah u sameeyey dad kumanaan gaaraya oo ku nool
xeryaha barakacayaasha Muqdisho iyo gobolada koonfurta iyo bartamaha Somalia,
wuxuuna xusay in sidaasoo ay tahay ay weli aad u sareyso heerka indha la’aanta
ka jirta dalka, wuxuuna balan-qaaday iney sii wadi doonaan intii karaankood ah
sidii ay wax uga qaban lahaayeen.
Xoghayaha arrimaha Dibeda ee ururka Indhooleyaasha
Soomaaliyeed Axmed Xasan Warsame ayaa isna munaasabadan ka sheegay
dhibaatooyinka heysta dadka Indhoolayaasha ah iyo baahida loo qabo sidii la
isaga kaashan lahaa in wax laga qabto.
“Waxaa Mahad ballaaran iska leh Dr. Dalmar iyo
isbitaalkiisa Al-Nuur oo dad fara badan oo kumanaan gaaraya ka daweeyey
cudurada indhaha, kumanaan kalena u sameeyey qaliimo waxaana ku boorineynaa
iney dedaalkooda halkaas ka sii wadaan” ayuu Axmed Xasan Warsame.
Madaxa Waaxda arrimaha bulshada ee xafiiska raisul
wasaaraha Soomaaliya Marwo Maryan Aadan Amiin oo iyana munaasabadan ka hadashay
ayaa sheegtay in xuska Maalinta caalamiga ah ee arraga uu yahay mid loogu talo
galay in caalamku isku xusuusiyo dhibaatooyinka heysta dadka indhoolayaasha ah
si loogu Baraarugo bay tiri wax u qabashadooda, iyadoo dhinaca kale ka
warantay howlaha uu xafiiskeedu qabto iyo dedaalka ay ugu jiraan taageerida
dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxayna u mahad celisay qaban-qaabiyeyaashii
xafladan, iyadoo amaan u jeedisay Dr. Dalmar iyo dhaqaatiirta la midka ah ee ku
howlan wax u qabashada bulshadooda.
Agaasimaha guud Wasaarada shaqada iyo arrimaha
bulshada ee xukuumada Somalia Maxamed Cadde Mukhtaar oo ugu dambeyn halkaas ka
hadlay ayaa isna sheegay in wasaaradiisa uu waajibaad ka saaran yahay daryeelka
dadka Naafada ah balse aysan sidii loo baahnaa u gudan karin howlaheeda sababo
la xiriira heyadaha dowlada oo weli la kobcinayo, wuxuuna tilmaamay in sidaasoo
ay tahay ay intii karaankood ku dedaalaan daryeelka dadka baahiyaha gaarka ah
qaba oo Indhoolayaashu ay ka mid yihiin isagoo u mahad celiyey Dr. Dalmar iyo
isbitaalkiisa oo uu xusay iney wax weyn oo la taaban karo u qabteen dadka
aragga la’ wuxuuna ku booriyey iney dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.
Munaasabadan oo ku soo dhamaatay jawi aad u wacan ayaa
sidoo kale intii ay socotay waxaa Khudbado ka jeediyey Agaasimaha waaxda
Naafada ee Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Cumar Xuseen Caliyow,
Gudoomiyaha ardayda kuliyada Caafimaadka Jaamacada Banaadir (BUMSA) C/llaahi
Maxamed Warsame, xubin ka tirsan Ururka qelin-jebiyeyaasha kuliyadda
Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir, Maxamed Cismaan iyo xubno kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]