4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Mareykanka oo soo dhaweeyay magacaabista xubnaha cusub ee gollaha wasiirada

 

Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka oo ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya ayaa soo dhaweysay magacaabista xubnaha cusub ee gollaha wasiirada dhawaan uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa soo dhaweeyay saamiga haweenka ay ku yeesheen xukuumada cusub oo ilaa lix wasiir oo haween ah ay ku jiraan taasoo noqoneysa markii ugu horeysay oo haweenka tiro intaa la eg ku yeeshaan xukuumadihii soo maray dalka.

‘’ Barlamaanka waa in uu deg deg u meelmariyaa xukuumada la soo dhisay si wax looga qabto dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo amni ee ka jira dalka ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Mareykanka’’

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in gollaha wasiirada cusub la hor geeyo baarlamaanka oo aan la ogeyn go’aanka uu ka qaadan doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]