Wararkii ugu danbeeyay weerarka dhismaha baarlamaanka Britain + Sawirro
Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) –Haweeney ayaa lagu waramayaa in ay ku dhimatay dadka
kalana waa ay ku dhaawacmeen weerarka lagu tilmaamay in uu ahaa mid argagixiso
oo ka dhacay dhismaha baarlamaanka Britain.
Wararku waxaa ay sheegayaan in gaari si ula kaca ah loo jiirsiiyay 12 ruux
oo sida la sheegay waqtigaa marayay Buundada Westminster oo u ku dhaw dhismaha
baarlamaanka Britain.
Sidoo kale qof ka so degay gaariga ayaa weerar
ku qaaday askari ku sugnaa agagaarka dhismaha baarlamaanka oo sida la sheegay
uu ku dhuftay tooray.
Hasse ahaatee markiiba waxaa qofkaasi toogasho
ku dilay booliiska oo arkayay markii uu falkaa ku kacayay.
Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka
dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka
dhismaha Westminster.
Ugu danbeyntii, waxaa soconaya howlgal la
sheegay in lagu nadiifinayo agagaarka dhismaha baarlamaanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]