4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2017
Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shir looga hadlayo la dagaaalanka kooxda Daacish

 Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) –Sii hayaha xilka wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliya oo ku sugan magaalada Washington, ayaa lagu wadaa in uu halkaa ugu qeybgallo shir looga hadlayo la dagaalanka kooxda Daacish.

Shirka oo ah mid ballaaran ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo magaalada Washigton sida uu sheegay wasiirka.

Ka qeyb-galka kulanka ayaa lagu martiqaaday ilaa lix dowladood oo ay ka mid tahay Soomaaliya oo marka la eego dagaal ba’an kula jirta ururo ay ka mid yihiin Al-shabaab iyo Daacisho oo ka dagaalama qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, wasiir Hadliye ayaa sheegay in labadii sano ee ugu danbeysayba shirkan ay Soomaaliya ka qeyb-gashay madaama ayuu yiri ahmiyad gaar ah uu ugu fadhiyo, iyadoo ajandaha shirka uu noqonayo ayuu yiri sidii loola dagaalami lahaa kooxaha argagixisada ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]