4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2017
Koox hubeysan oo toogasho ka geystay magaaladda Muqdisho

 

Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Koox hubeysan ayaa galinkii dambe ee maanta, degmadda Yaaqshiid e Gobolka Banaadir ku dilay, qof magiciisa lagu soo koobay Amadi, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamadda ammaanka dowladda Soomaaliya, oo goobta falka uu ka dhacay, soo gaaray dilka ka dib, ayaa sameeyay howlgallo.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Saraakiisha maamulka degmadda Yaaqshiid, oo aan la hadalnay, ayaa ka gaabsaday in ay faafaahin ka bixiyaan dilka.

Magaaladda Muqdishu, waxaa maalmihii lasoo dhaafay, kusoo noq-noqday dilalka iyo bambooyinka lagu weeraro xaruumaha dowladda iyo guryaha dadka siyaasiyiinta ay deganyihiin.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia