4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2017
Kulan ay maanta yeelan lahaa xildhibaannada baarlamaanka oo u baaqday kooram la’aan

Isniin,  Maarso, 20. 2017 (HOL) – Waxaa dib u dhac ku yimid kulan ay maanta ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho xildhibaannada gollaha shacabka kadib markii la waayay tiro ku filan oo fadhiga uu ku furmo karo.

Xildhibaannada ayaa sheegay in kulanka maanta oo looga doodi lahaa ajandayaal muhiim ah ay soo xaadireen tiro aad u yar oo xildhibaano ah, madaama la sheegay in xildhibaannada intooda badan mashquul ku yihiin xarunta madaxtooyada iyo arinta la xiriirta magacaabista gollaha wasiirada.

Dib u dhaca ayaa noqonaya kii ugu horeeyay Kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka cusub oo u baaqday kooram la’aan xili inta badan xildhibaannada ku wada sugan yihiin magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankii ugu danbeeyay ayeey mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyeen qarraar ku aadan gurmadka abaaraha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]