4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2017
Meydadka dad Soomaali ah oo laga helay xeebaha dalka Yemen

Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Wali waxaa xeebaha dalka Yemen kusoo caarinaya meydadka dadkii badda ku daatay kadib markii Jicmihii doon ay sarnaayeen lagu weeraray marinka Baab Al-mandab ee Badda Cas.

Dadkaan ayaa ku sii jeeday dalka Sudan sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dhaawacyada laga soo badbaadiyey halka uu shilka ka dhacay.

Dhinaca kalena Isbaheysiga uu sacuudigu hogaamiyo ayaa sheegay in aanay iyagu mas'uul ka aheyn weerarka tahriibayaasha Soomaalida ah lagu laayay.

Dowladda Sacudi Arabia oo gaar ahaan isbaheysigan hogaamineysa ayaa ku baaqday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo cida ka danbeysay weerarka.

Ugu danbeyntii dowladda Soomaaliya ayaa dhacadadan si adag uga hadashay waxaana ay ku eedeysan in arintan ay ka danbeeyeen kooxaha uu hogaamiyo sacuudiga ee la dagaalamaya Xuudiyiinta Yemen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]