4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2017
Guddoomiyihii Maxkamadda Kismaayo oo mushaar la'aan iyo amni daro isku casilay

 
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Guddoomiyihii Maxkamadda Magaaladda kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose Sheekh Xasan Macalin Aadan, ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, kadib markii cabasho uu ka muujiyay mushaar la'aan iyo amni daro,  sida hadalka uu u dhigay.

“Waxaan shaqada uga tagay is-faham waa nasoo kala dhexgalay anniga iyo maamulka Jubaland, sidoo kale amni daro iyo mushaar la’aana weey jiraan, maamulka Jubaland, waa dowlad-gobolleed awood badan ma yeelan” sidaas ayuu yiri Sheekh Xasan.

Sanadihii lasoo dhaafay ayuu ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Magaaladda kismaayo ee Gobolka Jubada.

Maamulka Jubaland wali wax war ah kama soo saarin, is-casilaada Sheekh Xasan Macalin Aadan.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia