4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2017
Madaxweynaha Khaatumo ayaa ka dhoofay garoonka Laascaanood

 

Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa saaka ka duulay garoonka diyaarada magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool.

Galaydh ayaa saaka waaberigii soo gaadhey magaalada Laascaanood isagoo ku sii jeedey wadanka Jabuuti, waxaana la sheegay in uu uga sii gudbi doono dalka Imaratka Carabta.

Safarka Galaydh ayaa la sheegay in uu daba socdo wadahadaladii maamulkiisu la wadey Somaliland, kaas oo kulankiisii sadexaad uu haatan balankiisii taagan yahay.

Wararka aan ka helayno illo ku dhowdhow maamulka Khaatumo ayaa la sheegayaa in kulan ka horeeya uu wadanka UAE kula kulmayo gudiga loogu yeedho G11 oo ah gudigii lahaa aasaaskii maamulka Khaatumo oo dhowaanta ismaandhaaf soo kala dhexgalay kadib markii ay soo jeediyeen in uu hakiyo wadahadalka Somaliland in dawlada Federaalaka Soomaaliya meel istaagayso.

Weftiga Cali Khaliif Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo ahaa mid aan laga war hayn marka laga reebo xubno maamulka gobolka ka tirsan ayaa laysla dhex marayaa in saxaafada loogu sheegi waayey in hadalada Galaydh oo badanaa xanaf reeba.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xili uu Baarlamaanka Somaliland cod u qaaday maalinimadii shalay wadahadalada lala wado maamulka Khaatumo oo aqlabiyad ku ansixiyeen, walow ay jireen qaar golaha ka tirsan oo ka soo jeeda gobolka Sool oo duray ansixintaasi.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool