Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Xildhibaan Cabduqaadir Faarax Bootaan, oo mudooyinkii dambe xanuunsanayay ayaa maanta ku geeryooday isbitaal ku yaalla magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
Allaha Unaxriistee Xildhibaanka, ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Qarax Gaarigiisa Loogu Xiray, 9-kii bishaan March, kaas oo kula qarxay Magaaladda Gaalkacyo.
Mudanayaasha Baarlamaanka maamulka Puntland, ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid, Xildhibaan Bootaan.